Mid ka mid ah qoysaska xoolo dhaqatada ee deegaanka Yoonbays ee gobolka Nugaal ayaa la kulmay mucjiso aan hore u soo marin oo ah in arigooda ay bireynayaan wax aan la arkeyn.Cabdiweli Faarax Warsame oo ah aabaha qoyska mucjisadan ku dhacday ayaa u sheegay laanta afka soomaaliga ee Bbcda in arigiisa ay bireynayaan wax aan la arkeyn gaar ahaan waxaraha yar yar.

“Arigu waa la bireynayaa, wax aan la arag ayaa bireynaya. Neefka waxa loo gowracayaa sida dadka caadiga ah ay u bireeyaan arrintana waxa ay socotay shantii maalmood ee la soo dhaafay,” ayuu yiri.

Cabdiweli ayaa sidoo kale sheegay in neefka la bireeyo la soo qaado lana keeno guriga reerka iyagoo qeybqeyb ah marna ay ku arkaan digsiyada guriga oo ay hilbo ka buuxaan.

“Waxa soo qaadaya lama arki karo. Waxaa la arkayaa neefkii oo guriga iriddiisa yaalla ama isagoo saxamada ama digsiyada ku dhex jira, ama dabka saaran.”

Cabdiweli waxa uu sheegay in xalay ilaa maanta laga bireeyay illaa lix neef. Qoyska ayaa isaga guuray halkii ay degenaayeen iyagoo degey meel ka fog balse ay weli arrinta mucjisada ah la kulmayaan.

Dadaalo uu sameeyay reerkan ayaan illaa iyo hadda u suurtogelin in uu ku joojiyo mindida dhex socota arigooda. Waa markii ugu horeysay oo mucjiso noocan oo kale ah laga soo weriyo dalka Soomaaliya,