Ciidamada ammaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay rag hubeysan oo maanta askari ku dilay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo ragga la qabtay uu dhaawac yahay.

Raggan hubeysan ayaa la sheegay in markii ay dilka u geysteen askariga, ay durba ku baxeen ciidamo goobta ka ag dhowaa, iyagoo ceyrsaday, isla markaana mid ka mid ah dhaawacay.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Ibraahim Dheere ayaa ku boggaadiyay ciidamada gacanta ku soo dhigay raggan dilka geystay, isagoo xusay in raggan ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in raggan la horgeyn doono Cadaaladda, isla markaana wixii ay geysteen laga abaal marin doono.

Inkastoo aanay muddooyinkan magaalada ka dhicin dilalkii qorsheysnaa ee ay geysan jireen kooxaha hubeysan, kaddib markii Ciidamada ammaanka ay xoojiyeen amniga degmooyinka.