Waxaa lagu soo  bandhigey maanta Muqdisho labo nin oo la sheegay in ay weerar ku soo qaadeen xarunta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Labadan dhalinyarada ah ee la soo bandhigey ayaa mid ka mid ah waxaa ka muuqda dhaawac soo gaaray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo maanta booqday halka ay ku xiran yihiin labadan ruux ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Caddaaladda loo horgeyn doono labada ruux.

Ciidanka Ammaanka ayaa dhawaan waxa ay ku qabteen degmada Wadajir labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo la sheegay inay dileen askari ka tirsan ciidamada dowlada.