Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda, xubnaha golayaasha kaladuwan ee dowladda ayaa si wadajir ah boqolaal dadweyne ah ugala dukaday salaadda Ciida Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxdan ayaa shacabka Soomaaliyeed dhamaantood ugu hambalyeeyey dabaal dega munaasabadda ciidul fitriga, maadaama ay guteen waajibaadkii alle uu saaray, isla markaana waxay u rajeeyeen umadda Soomaaliyeed in ilaahay uu dhibta ka saaro.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isna saraakiil iyo ciidamo ka tirsan xooga dalka kula tukaday xarunta wasaarada gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Ciidal Adxa ayaa sanadkan si weyn loogaga  ciiday gobolada dalka Soomaaliya iyadoo madaxda Maamul goboleedyadana ay ugu hambalyeeyeen shacabka.