Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar lagu waday inuu maanta ku tago magaalada Beledweyne, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo dib u dhiciisa.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in wafdi horudhac u ahaa Ra’iisul Wasaaraha oo isugu jiray xubno ka tirsan Xafiiskiisa iyo Ciidamo oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha lagu wargeliyay inay dib u soo laabtaan, maadaama uu Ra’iisul Wasaaruhu baaqday.

Xubin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ii xaqiijiyay in safarkooda uu dib u dhacay, kaddib markii lagu soo wargeliyay in roobab ay ka da’een garoonka diyaaradaha Beledweyne, ayna adag tahay inay diyaarad ka degto.

Dhinaca kale Wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa saaka loo diiday inay ka dhoofaan garoonka, iyaga oo ku sii jeeday Beledweyne.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in wafdiga Madasha laga xanibay diyaaradii ka qaadi laheyd garoonka Muqdisho, arrintaas ay tahay mid la siyaasadeynayo safarkooda gurmadka Beledweyne.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha ayaa la sheegay inay ku wargeliyeen wafdiga Madasha Xisbiyada in aanay ka dhoofi karin garoonka.