Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababtii uu Madaxweyne Farmaajo uga baaqday xafladii furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha uu isaga u soo wakiishay, isla markaana jeediyay khudbadii Madaxweynaha ugu tala galay Xaflada Furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare.

Mr Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha u baaqday sababo ku aadan shaqo amni oo degdeg ah, inkastoo aanu sii faah faahin.

Ka hor intii aanu Ra’iisul Wasaaruhu khudbada jeedin ayaa waxaa muran ka dhashay cida leh hab maamuuska furitaanka Aqalka sare, maadaama uu Madaxweynuhu maqnaa, isla markaana Senarada Aqalka sare ku adkeysteen in Ra’iisul Wasaaraha uusan laheyn hab maamuuska furitaanka.

Kulan dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka Aqalka Sare oo saacado qaatay ayaa ugu dambeyn Guddoonka aqbaleen codsiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadan inuu isaga furo, kana wakiil yahay Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa dhowr jeer oo hore ka baaqday furitaanka kalfadhiga Aqalka Sare, waxaana Aqalka Sare ay haatan ku jiraan xaalad go’doon ah, maadaama aanay wada shaqeyn kala dhaxeyn Golaha Shacabka, isla markaana Madaxweynuhu qudhiisa aanu tixgelin dalabyo ka yimid Aqalka Sare oo ku aadanaa ansixintii Miisaaniyadda sanadkan oo uu Madaxweynuhu saxiixay, iyadoo aan Aqalka Sare loo soo gudbin.