Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa maanta kormeeray xarumaha  qaar ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumadda, kuwaasoo qaarkood hal dhisme wada degan, kuna dhow Xeyndaabka Xarunta Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, Ganacsiga, Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.

Kormeerka ayaa qeyb ka ah howlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradaha uu kormeeray ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka qaranka, ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.