Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay u ambabaxeen magaalada Paris ee dalka Fariinsiiska.

Wafdiga uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa ay ka qeyb-galayaan madasha nabadda Paris, oo looga hadlayo Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tiknoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada.

Mudada uu ku sugan yahay dalka Faransiiska  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda kasoo qeyb-galeysa shirkaas.