Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay waxa ay isku hayaan xilligan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in waxa la isku haayo aanay aheyn mashaariic, balse tahay xisaab uga maqan Federaalka.

Saciid Deni oo odayaasha dhaqanka kula hadlayay magaalada Garowe ayaa si maldahan u sheegay in dhowr jeer wax loo sheeg-sheegay, balse waxa isaga loo doortay oo kursiga ugu fadhiyo ay tahay xisaabtan iyo waxa uga baqan dadka reer Puntland inuu keeno.

“Su’aasha meesha taala waxa weeye, waxaa aad loogu celceliyaa Federaalka waxa nooga maqan, hadaad tiraahdo waxa nooga maqan maxay yihiin sheeg qofka ma garan karo, dowladda Federaalka aniga waxaa soo ahaa Wasiirka Qorsheynta waxa meesha yaalla oo nooga maqnaan kara waa garan karaa, xaqiiqda waxa yaala oo dadku maleynayaan mashaariic ma ahan, dowladda soomaaliya waxay ku jirtaa wax la yiraahdo geeddi socod siyaasadeed, dowladdu weli ma caga dhigan, geeddi socodka siyaasdadeed ma ahan waxa la isa siiyo, geeddi socodka siyaasadeed waxa la rabaa ina aan qeyb ka nahay haddaan reer Puntland, waa xisaabtanka, xisaabtanka naga maqan ayaa halkaan la fadhiyaa, aniga haddaa i doorateen xisaab ayaa idinku maqanahay”ayuu yiri Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa kala qaaday dowladda Dhexe iyo shacabka reer Koofur, isagoo xusay in nidaamka siyaasada ee dowladda Federaalka ay qeyb ka yihiin, isla markaana wax qeybsi lagu joogo.

“Haddii dowladda dhexe loo heysto Koofurta Soomaaliya, taasi waa qalad, dowladda Federaalka waa dowlad anaga qeyb aan ka nahay waa 4.5, qeybsi ayaa lagu jooggaa, hada hoggaanka jooga iyo Puntland ayaa wada xisaabtamaya, Anigu xisaabtan baan meel la fadhinayaa adinka ayaan idinku matalayaa, dhawr jeer ayaa wax la ii sheeg sheegay, hadaad rabtaan inaan sidaas iska yeelo, waa la kari karaa ruuxadeeda, Puntland kama soo horjeedo dowladnimada oo waaba halkii laga aas aasay, marka dowladda wax kale kama doonaynee mudnaanteena sifada sharciga ah hanagu siiso”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.