Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay xayiraada dhanka duulimaadyada ee dowladda Federaalka ku soo rogtay Kismaayo, isagoo xusay inuu dhacay ku xadgudub Dastuur.

Wareys uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu sheegay in Hawada Soomaaliya aanay aheyn dukaan qof leeyahay, isla markaana ay tahay Hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro.

“Runtii Hawada Soomaaliya ma ahan Dukaan qof leeyahay, waa hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro oo qawaaniin caalami leh, aad baan uga xumahay ku xadgudub Dastuur inuu dhaco, suura galna ma ahan wax dastuurka dadka xaqa u siiyay qof ra’yi siyaasadeed qabi kara in xayiraad dadka iyo isu socodka loo saaro sax ma ahan arrin aan ku habooneyn dowladnimada iyo dadnimada”ayuu yiri Saciid Deni.

Mar la weydiinayo inuu ka qeyb galayo caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayuu ku jawaabay inuu ka mid yahay martida lagu casuumay, kana qeyb geli doono caleema saarka, waxaana uu xusay in diyaaradaha aadi doona in aan la cabsi gelin doonin.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa difaacay Heshiiska Maamulkiisa la galay Shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in mas’uuliyadda loo dhaariyay ay ka mid yahay inay hormar ka sameeyaan dalka sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu xusay in mudadii Shirkadda DP World qabsatay inay ku dhisto Dekeda Boosaaso ee labada sano ay ku soo aaday xilli kala guur ah, markii ay u diyaar garowday oo u soo qalab qaadatay laga dilay maamulaheeda, isla markaana dhowaan la arki doono wax muuqdo.