Wasiirkii hore ee Gaadiidka Saciid Qorsheel ayaa beeniyay warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegayay inuu ka mid yahay siyaasiyiin dowladdu siiso lacago, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas.

Saciid Qoorsheel oo ah Guddoomiye kuxigeenka Talo Soo Jeedinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in warqadaas lagu qoray baraha bulshada ay tahay mid been ah.

Warqado maalmihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka soo muuqday magacyo siyaasiyiin, culumaa’udiin, odayaal dhaqameedyo iyo dad isticmaala Facebook oo la leeyahay lacago ayay dowladda ku siisaa taageerada iyo in aanay ka hadlin xaaladaha dalka ka jira

Halkan hoose ka daawo shir jaraa’id uu qabtay

Saciid Qorsheel"Anigu Qaranka ayaan usoo shaqeeyey xilal kala duwanna waan soo qabtay waan maqlayey in la igu daray dad la yiri dowladda ayaa lacag siisa kama qaato dowladda lacag"

Saciid Qorsheel"Anigu Qaranka ayaan usoo shaqeeyey xilal kala duwanna waan soo qabtay waan maqlayey in la igu daray dad la yiri dowladda ayaa lacag siisa kama qaato dowladda lacag"https://youtu.be/PRfLhqf9uOI

Publiée par Dalsan TV sur Samedi 30 mars 2019