Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamaadi oo muddooyinkii la soo dhaafay aan lagu arag meel fagaare ah ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa maanta ka soo muuqday munaasabaddii xarigga looga jarayay Machadka Tababarada diblomaasiyadda oo ay maalgelisay dib u dayactirkiisa dowladda Qatar.

Tan iyo markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka horaantii sanadkii  hore ee 2018, Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa  saldhigtay magaalada Nairobi, waxaana safaro aan badneyn tan iyo markaas uu ku yimid Muqdisho, isagoo aan ka soo gudbin xarunta Xalane.

Soo muuqashada safiirka Imaaraadka ee maanta magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan loo fasirin karaa,waxana uu  ku soo beegmayaa xilli toddobaadyadii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in  wadanka Imaaraadka Carabta iyo Boqortoyada Sacudi Carbiya oo isku dhinac ahaa uu soo kala dhex galay khilaaf gaar ahaan arrimaha dalka Yemen.

Sidoo kale waxaa layaab ah inuu goobjoog ka ahaa xarig jarka mashruuc ay maalgelisay dowladda Qatar, sawiro laga soo qaaday munaasabadda waxaa safka uu ku jiray isaga iyo Safiirka Qatar u dhaxeeya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka ka dhex jira wadamada Khaliijka balse waxaa xumaaday xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya hore ugu dhexeeyay, kadib markii diyaarad sidey lacag gaareysa 9 malyan oo dollar oo ay lahayd dowlada Imaaraadka ay dowlada Soomaaliya la wareegtey

Tan iyo xilligaa oo ahay bishiii April ee sanadkii hore ayaa Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa joojisay mashaariic ay ka hirgelinaysay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Imaaraadka ayaa gebi ahaanba joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jirey dugsiga General Gordon iyo weliba isbitaal ay bulshada Soomaaliyeed ka heli jireen dawooyin.