Saraakiill ka tirsan ciidamada Booliiska AMISOM oo ay wehelinayaan Booliska Jubbaland ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimo ee Jubbaland.
Ujeedada booqashada xaruntan ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa ammaanka xarunta la filayo inay ka dhacdo doorashada.
Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Jubbaland iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida nabadgalyada Doorashooyinka Jubbaland.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska AMISOM Akaninyene Unaan iyo Taliyaha qaybta Gobolka Jubbada Hoose ee Booliska Jubbaland ayaa si wadajir ah u sheegay in ay mas’uuliyad weyn iska saari doonan sugida nabadgalyada doorashada kahor iyo kadiba isla markana ay soo indha indheeyeen dhamaan goobta.

Jubbaland ayaa isku diyaarinaysa qabashadda Doorashadda Madaxweynaha Jubbaland oo lagu balansanaa in la qabto 24 bishaan August 2019, inkastoo Dowladda Faderaalka Soomaaliya war ay shalay soo saartay ay ku sheegtay in aysan aqoosan doonin doorashadda Jubbaland ilaa ay fuliso qodobo ay u diyaarisay wasaaradda arimaha Gudaha Soomaaliya.