Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee fadhigooda yahay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan uu la soo xiriiray ciidamada dowladda, ka hor inta uusan isa soo dhiibin.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Yarow Xasan Aadan, waxaana lagu soo bandhigay Xudur, isagoo ku hubeysan qoriga AK 47.

Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay sawirka Sarkaalkan, waxaana uu ka mid noqonayaa saraakiil dhowr ah oo muddooyinkii la soo dhaafay isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.