Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi ayaa saaka la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender, kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamo Axmed Madoobe labadii maalmood la yeelanayay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirka Ingiriiska ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo arrimaha dowladda Federaalka ka wado qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahan yahay inay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaaliduna kuwada qanacsantahay, taas si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin, hor u socodka dalka iyo nidaamka dowladnimana laga dhex arki karo.

Safiirka Dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan Dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si horumar dhankasta uu dalku u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka uga dhacdo taas oo uu safiirku si gaar ah madaxweynaha uga codsadey inuu uga shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa arrintaas.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay dhaq dhaqaaqyada sharciga baalmarsan ee ay dowlada Federaalku ka wado gobolka Gedo, taasoo la isla qirey inay tahay faragelin qaawan oo aan sal iyo raad kulaheyn dastuurka dalka cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda qaadeyso Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyn Safiirka dalka Ingiriiska ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyey sida Madaxweynuhu muhiimada gaarka ah u siiyey adkeynta amniga iyo la dagaalanka argagixisada ee deegaanada Dowlad goboleedka Jubbaland.