Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne.

Safarka Madaxweynayaashan ayaa jahwareer badan dhaliyay oo ka soo bilaabatay, markii saaka lagu xanibay garoonka Muqdisho muddo saacado ahna ku sugnaayeen, hase ahaatee la fasaxay markii dambe.

Diyaaradda siday Madaxweynayaashan hore iyo wafdiga la socday ayaa markii ay ka soo kacday garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay muddo saacad ku dhowaad ah u soo socotay Beledweyne, waxaa lagu wargeliyay in aanay soo degi karin, kaddib markii qolada raadaarka Garoonka Beledweyne ay la soo hadleen duuliyeyaasha.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah wafuudii saarnaa diyaaradda iyo wariyeyaal la socotay, duuliyaha diyaaradda ayaa dib diyaaradda ugu soo celiyay dhanka Muqdisho, waxaana markii ku dhowaad nusa saac ay soo maqnaayeen hadana dib ugu laabatay dhanka iyo Beledweyne, waxaa la sheegay in wada hadal kaddib ay diyaaraddu degtay.

Intaas kaddib diyaaradda ayaa si nabad ku caga dhigatay garoonka, kaddib saacado jahwareer ah, waxaana garoonka diyaaradaha Beledweyne ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Wafdiga ayaa hadda booqanaya dadkii ku barakacay fatahaadii wabiga Shabelle, waxaa lagu wadaa inay wareejiyaan lacag gaareysa $200,000 oo ay ugu tala galeen dadkii ku barakacay fatahaada.