Senator Maxamuud Mashruuc oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka hor-yimid go’aankii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo ay ku mamnuucday Xafiisyo ay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ka furteen deegaanada Puntland.

Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa oo labaduba ah Xildhibaano ayaa Xafiisyo qaabilsan xiriirka ka furtay deegaanada ay ka soo jeedaan, iyadoo Puntland ay joojisay xafiisyadaas.

Senator Maxamuud Mashruuc ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaya Dastuurka, isla markaana aan la is hor-taagin xuquuqda mataaladda ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxda Puntland inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara Midnimada Qaranka, isagoo soo dhoweeyay fikradda ah in xubnaha Baarlamaanka ay deegaan doorashadooda ka sameeyaan xafiis u qaabilsan xiriirka.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ayaa sii xoogeysanayay, iyadoo uu gaaray heer xubnihii maamulkaas u matalayay dowladda Federaalka uu saameyn ku yeesho.