SEASON 3   Caadiyan reer Warsame Cali xilliga salaada subax cidna ma jiifto saqiir iyo kabiir waa la toosaa Qadar isaga xalay ayuuba indhaha mar qura xataa is gelin markiiba inta uu musqusha tagay ayaa uu meyrtay salaadii dhinaciisa ka aaday aabahiis oo illinka kulmeen ayaa ku yiri.

 

Aabe Warsame:

Waryaahee Qadar maanan is laheen saaka ayaa uu salaada u soo kacayaa

 

Qadar:

Side aabe 

 

Aabe Warsame:

Waxaan islahaa xalay ayaa uu barkimada ka dhacay

 

Qadar:

Salaada wax ka weyn miyaa jirto Aabe

 

Xagii misaajidkii ayay u ruqaasadeen salaadii kadibna Qadar waxa ay wadada ku kulmeen saaxiibkii Saalaxey oo markiiba ku yiri

 

Saalaxey:

Beryahaan salaada subax xaafada lee waaye Ayaan lahaa see ahaan hee

 

Qadar:

Salad aan awoodo in aan jameeco ku tukato maxay tahay sababta aan kaga maqnaa karo

 

Saalaxey:

Horta dhafar waa kaa muuqdaa isweydiis malaha in aad xalay shaqo qaran heysay ee mid ma ku weydiiyaa

 

Qadar:

Maya

 

Saalaxey oo markii horeba saaxiibkii cayaar ku waday ayaa yiri

 

Saalaxey:

Ma lagula yaabayo waaga baryey in aan ka xun tahay ayaa laga yabaa ileyn shaqaa qabyo kuu ah orod saaxiib adiga oo qoslayo Ayaan 7 maalin kadib ku sugayaa.

 

Sidii ayaa lagu kala tagay Caku Saalax yaa war u sheega in xalay gogoshii farxadeed ay cibaaro ka dhacday Qadar markii uu qolkiisa galay ayaa uu arkay in Samiira ay hurudo markiiba irida ayaa uu xeray oo inta uu barkinta si tartiib ah u qaatay ayaa uu dhulka isaga gam’ay ileyn nin maskaxda iyo jirkaba ka daalay ayaa uu ahaa.

 

Hooyo Maryan oo saaka ay u tahay subax farxadeed mar haddii curadkeeda xalay gabar loo keenay waxa ay diyaarisay cunooyin udgoon badan oo noocyo badan waxaase Ayaan daro aheyd yaa u soo toosay oo ka cunay mar ay saacadii sii socoto 10:00 barqadnimo ayay qolka ku garaacay.

Samiira ayay aheyd cidii ugu horeysay ee toostay markii ay fahamtay in iyaga ay yihiin albaabka la garaacayo ayay Qadar toosisay kuna tiri albaabka fur Qadar markiiba waa toosay isaga oo barkintii uu ku jiifay sariirta ku tuurayo ayuu albaabkii furay Hooyo Maryan ayaa ku tiri.

 

Hooyo Maryan:

Subax wanaagsan haye saaka sow la toosi mayo oo quraac lama cunayo Samiirana miyey hurudaa.

 

Qadar:

Wanaagsan Maama iminkaan toosnay Samiira musqusha ayay ku jirtaa waan soo deganeynaa.

 

Hooyo maryan:

Looma baahna in aad soo degtaan qolkiina ayaa la idinku keenayaa.

 

Qadar:

Haya Maama

 

Qadar in cabaar ah ayaa uu ku nagaaday kursi sariirta agteeda yaal markii uu arkay in Samiira ay ka soo baxday Musqusha ayaa uu u dib dhaafay Samiira oo aan weli qalbigeeda deganeyn ayaa hagaajin u gashay qolkeeda iyada oo sariirtiii ay xalay farxada kula gam’I weyday hagaajisay waxayna iyada oo dardaarankii hooyadeed fulineyso ayay qalab yar oo uunsiga lagu shido ka soo saarnay boorsadeeda oo dabka gelisay mar kaliyana caraf aad u wanaagsan oo cid kasta jecleysan karta uu qolka yeeshtay. Qadar oo markii uu musqusha ka soo baxay aad u jecleysatay carafta qolka ka imaaneysay ayaa ku yiri. 

 

Qadar:

Albaabka cida garaaceysay Hooyo ayay aheyd in aan soo toosnay ayay hubineysay quracdana halkaan ayaa nalagu keenaya.

 

Qadar cid u Jawaabtay ma jirin haddana kama xumaan maxaa yeelay xaalka jira intaa waa ka xooganaa markiiba Hooyo Maryan iyo gabadheeda Fartuun ayaa keenay quraacdii oo dhowr nooc ka koobneyd is bariidin kadib waa baxeen Qadar oo an marnaba dooneynin in xaalkooda la ogaado ayaa durbadiiba albabka xeray Samiirana ku yiri.

 

Qadar:

Soo dego Samiira waynu quraacaneynaa  

 

Samiira:

Adiga quraaco aniga waan kaa dambeynayaa

 

Qadar:

Waan dareemayaa in aad ii xanaaqsan tahay laakiin macaanto wax walba xal waa loo heli karaa ee soo dego aan si wadajir u quraacanee.

 

Samiira:

Qadar aniga wejigaaga Ayaan dhibsanayaa marka side inta aan kuu soo hor fadhiisto aan kula quraacdaa kashayda been uma sheegi karo ee waa ku baryaa haddii ay baahi ku heyso quraaco haddii kalana raashiinka ku celi meeshii laga keenay.

 

Qadar xagii ay Samiira jirtay ayaa uu aaday waxa uuna dhinac kaga fadhiistay sariirta waxa uuna ku yiri.

 

Qadar:

Aniga qaladka oo dhan waan qaaday waana kaa raali geliyey kun jeerna waan ku leeyahay iga raali ahaaw laakiin xanaaqa aad ii qabto naftaada ha u cadaabin.

 

Samiira:

Yaa ku yiri Samiira ayaa sidaas oo dhan daciif u ah nafteyda mar kaliya ayay qalad gashay waana in ay adiga ku jeclaaday balse mid ogow kashaan kugu siday ayaa manta ku dhibsaneyso hana isku dayin in aad ii soo dhawaado.

 

Qadar:

Cinqaab kasta oo aad I saarto waan aqbalayaa ee kaalay aan quraacano

 

Samiira:

Hagaag quraacda qeybtaada guro aniga qeybteyda halkeeda igu dhaaf sow hadal cad maaha

 

Qadar:

Sidaad jeceshahay

 

Qadar markiiba quraacda ayaa uu qeyb ka gurtay xaga iyo balakoonka ayaa uu la aaday oo kursi halkaa yaalay ku fadhiistay, Samiirana iyada ayaa miiskii ku hartay oo cuntadii halkeeda ku cuntay markii cid kasta ay gacmaha kala baxday ayaa uu Qadar u yeeray Fartuun oo uu ku yiri alaabta qaad.

 

Qadar iyo Samiir cidna ma ogaan in xaalkooda uusan wanaagsaneyn ileyn midkoodna ma hadlin sidoo kalana qolkooda sooma dhaafin cid kasta waxa ay aamisanaayeen in qolk ay farxad ku wada qaadanayaan Allow Amuuraha sahal xaalka sidaa waa ka badalnaa lamaano is doortay oo guur wada ogol ah galay ayaa hadana dhibtu tahay mid iyaga dul Hogan.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com