Dhaqan ahaan gabadha marka shaashka loo saaro maalin kadib ayaa loo celiyaa reerkeeda Samiira hooyo Maryan ayaa u sheegtay in maalinta beri ah loo celin doono reerka sida caadada ay tahay Samiira maalintaan waa maalin ay dhowreysay 7dii maalmood ee la soo dhaafay waxayna habeenkii Qadar oo sidii hore ka fiican ku tiri.

 

Samiira:

Maalinta beri ayaa la ii todobo celin doonaa 

 

Qadar:

Waan gartay

 

Samiira:

Anagana ma nihi dad ay nolol ay raali isaga yihiin u dhaxeyso sidaas dardeed Ayaan kuu sheegayaa in aan kuu soo laaban doonin ileyn cabsi Ayaad I gelisay kalsoonidii noo dhaxeysay adiga ayaa laalay nafteydana kuma qasbi karo qof aysan ku qanacsaneyn.

 

Qadar:

Samiirooy abaayo si degan ku fikir waxba xanaaqa yuusan kaa tan badin haddii naftaada aad fursad siiso waan hubaa in aad fursad I siin doontid isku day in aan si wadajir u xalino khilaafka noo dhaxeeyo.

 

Samiira:

Kolay go’aanka waan qaaday waan sida aan u qaaday 

 

Samiira markiiba qolka ayay ka baxday oo ay aaday qolkii hablaha ku jireen ilaa mudana la sheeko qaadaneysay iyada oo wax badan waxabarashada ka wareysatay Farxiya iyo Fartuun oo Dugsigii sare ku jireen talooyin badan siisay Qadar waa u sugayey Samiira in ay qolka ku soo laabato balse Samiira markii ay soo laabatay waa ay ka diiday in ay mowduucaas ay dib dambe ugu hadlaan go’aankeedana uu yahay mid aan dib loogu laaban doonin sidii ayaa lagu kala seexday

 

Qadar ayaa ahaa qofka ay tani dhibaato hor leh ku keeneyso habeenkaas waxa uu in badan ka fikiraayey sida uu ku joojin karo Samiira haddana uma muuqan si uu kaga horyimaado.

 

Ilaa subaxii ayaa uu isku dayey inuu Samiira la hadlo haddana waa ay ku adkeysatay sidii ayaana xilli barqadii ay aheyd iyada iyo Hooyo Maryan ku aadeen xaafadii 8 maalin ka hor laga soo guuriyey Samiira waxa ay la aheyd bixitaankeedaas inuu yahay kii ugu dambeeyey ee ay kaga baxday guriga reer Warsame Cali waxa ayna aaminsaneyd in xiriirkii ay muda u hanweyneyd uu saaka soo dhamaaday  waxaana meel u yaalay in hooyadeed ay wax walba kala hadasho sidoo kale xiriirka usbuuc jirka ah ee labada reer u dhaxeeyo la soo afjaro waxaase ayaandaro aheyd in Hooyo Maryan oo la socoto Samiira aysan waxba kala socon xaalada waxayna intii ay wadada ku soo jireen wax badan la sii daraadarmay gabadheeda wax badan ugu sheegtay in ay aad ugu qanacday in wiilkeeda ay xaaskiisa tahay CAKU WARAF IYO SHIMBIR WAR ISUMA HAAYAAN.

 

Samiira sidii ayaa loogu todobo noqay reerkeda Hooyo Maryan cabaar yar kadib ayay soo baxday waxaana soo dhaweysay Samiira oo keentay ilaaa ilinka guriga oo baabuurka u yaalay waxayna Hooyo Maryan ku tiri.

 

Hooyo Maryan:

Maama waan sii baxayaa kolay caawa hooyadaa ayaad waqti la qaadan doontaa marka aad beri diyaar noqoto ii soo sheeg baabuurka Ayaan ku soo dirayaa kolay Qadarna waa uu ku dhariri doonaa.

 

Samiira:

Haye Maama waan ku soo wici doonaa

 

Sidii ayaa ay ku baxday Hooyo Maryan arrintaan Samiira waxa ay ku noqotay taako kale oo go’aankeeda ka hor timid mana dooneynin in Hooyo Maryan oo aad maqsuud ku aheyd in reerkeeda ay ka mid tahay oo xaaska wiilkeeda tahay, Samiira tan waxa ay ku noqotay udin kale oo go’aankii ay meel dhigatay dhawacayo .

 

Qadar bixistii Samiira waxa ay u aheyd baaba’a guurkiisa iyo sidoo kale baaba’a magacii weynaa ee uu reerka ku dhex lahaa mar haddii Samiira ay go’aansaday in aysan dib ugu soo laaban waana uu aaminsanaa in arrinta la ogaan doona.

 

Qadar galabtii ayuu guriga ka soo baxay oo uu soo abaaray saaxiibkii Saalaxey waxa uu aaminsanaa inuu u baahan yahay qof uu la hadlo uusan sidaan ku sii aamusnaa Karin waxa uuna u yimid Saaxiibkii waxaana dhex martay sheekadaan.

 

Saalaxey:

Haye Qadar ii waran side noqotay walaahi wax kaama yaalo

 

Qadar:

Geerida xataa waan rajeeyey

 

Saalaxey:

Maya saaxiib xanuunka sidiisa waa dambi dhaaf sidaas ha dhihin

 

Qadar:

Saaxiibow waxa aan ka hadlayo ma aadan fahmin maxaa yeelay aniga nolosha waan ka quustay.

 

Saalaxey:

Waa ku side maxaad sidaas u leedahay maxay tahay dhibka ku heysta ninka maalmo ka hor reer loo dhisay ayaa tahay waliba gabadhii uu jeclaa loo guuriyey waa ku baryaa ha I cabsi gelin. 

 

Qadar:

Saaxiibow Samiira waa ay iga tagtay

 

Saalaxey:

Side 

 

Qadar:

Aniga iyo Samiira habeen qura farxad kuma ladin xiriirkeena waa mid jar ka sii dhacayo

 

Qadar markii uu intaas yiri ayaa uu istaagay oo xaga dariishada qolka aaday mar kaliya illinta soo dhaaftay oo codka oo dhan xermay hadli karina waayey Saalax oo gartay in dhibka jira uu aad u weyn yahay ayaa inta uu saaxiibkii garabka kazoo qabtay sariirtku fadhiisyey bakeeri biyana u shubay oo ku yiri.

 

Saalaxey:

Is deji saaxiib biyaha cab si degan wax igu sheeg

 

Qadar in cabaar ah ayaa uu aamusanaa ugu dambeyn ayaa uu ku yiri

 

Qadar:

Habeenkii ugu horeysay ee aan qolkeena ku keliyoonaya Ayaan go’aansaday in nolosheena ay wax walba kala cadaadaan oo wacad meel dhigano sidoo kalana qof kasta uu noloshiisa runta ka sheego oo aan wax la kala qarsan.

 

Saalaxey:

Haye maxaa dhacay

 

Qadar:

Ugu horeyn sida xiriirkaan aan ku bilaaway Ayaan u sheegay

 

Saalaxey:

Oo ma waxaad tiri oo aad u sheegtay hadafkii aad xiriirkaan u ogolaaday

 

Qadar:

Ha saaxiib aniga waxaan rabay in waxba aan nolosha ka qarin Samiira qof ila weyn ayay aheyd mana fileynin in arrintaas ay sidaa oo dhan igaga fogaaneyso.

 

Saalaxey:

Kadib maxaa dhacay

 

Qadar:

Mar kaliya ayay ka booday go’aan culusna ka qaadatay xiriirkeena hadana waxa ay diyaar u tahay in aysan guriga ku soo laaban.

 

Saalaxey:

Maxay sidaas u yeelaysaaa Samiira miyeysan arag sida jaceylkeeda uu adiga oo dhan kuu badalay maxaad ugu qancin weyday in ay tahay gabadha kaliya ee aad noloshaada la hasaawday oo aad jeclaatay.

 

Qadar:

Wax walba waan dhahay laakiin Samiira guurkeena in ay gebi ahaan baabi’iso ayay rabtaa si buuxda ayay igu sheegtay in aysan ii soo laaban doonin ii sheeg maxaan sameeyaa sow geerida ma mudni caawa .

 

Saalaxey:

Sidaa ha dhihin waxaan rajeynayaa in ay ka soo laaban doonto la hadal oo ku qanci in ay fursad labaad ku siiso.

 

Qadar:

Ma aqaan waxaan dhaho saaxiib waxaan aamisan nahay in gebi ahaan aan noqday nin nolosha ka dhacay.

 

Saalaxey:

Taasi aniga Ayaan ogolaan doonin ma baaba’eysid waana hubaa in Samiira ay kuu soo laaban doonto ma ogtahay in Hooyo Maryan ay igu tiri beri Samiira ayaad ka soo kaxeyneysaa xaafada marka ma filaayo in hadalka hooyo ay ka hor imaan doonto. 

 

Qadar:

Saaxiibkay qalbiga ayaad Ii dhiseysaa 

 

Saalaxey:

Is deji oo kaliya aniga ayaa Samiira ku keenayo hana ka fikirin arrintaan maxaa yeelay waad ogtahay in aad xanuunsan tahay isku day in aan is dejiso si caafimaadkaa uu ahaado mid degan.

 

Qadar:

Sida aad farxada ila jeceshahay illaahay wax walba ha iga dhigo

 

Saalaxey:

Inshah Allah waa ay ahaan doontaa 

 

Sidii ayaa salaadii maqribka oo aadaankeeda dhacay u wada aadeen cid kasta si gooni ayay u duceysatay Saalaxey waxa ugu weyn ee diirada saaray ayaa aheyd inuu la hadlo Samiira isaga oo aan Qadar fahmin ayaa uu numberkeeda kala baxay telefoonkiisa.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com