Salaadii kadib ayaa uu Qadar xaafadiisa geeyey oo uu ka soo laabtay Markii uu xaafadiisa yimid ayaa uu si toos ah Samiira u wacay si ugu yaraan uu go’aankeeda u badalo saaxiibkiisa u siiso fursad labaad ee uu qaladkiisa ku saxo.

 

Samiira oo aan Telefoonkeeda ka fogeyn ayaa durbadiiba qabatay Kuna tiri

 

Samiira:

Hello Yaa ila hadlayo

 

Saalaxey:

Waa aniga Samiira ma fiican tahay

 

Samiira:

Iga raali ahaaw kuma fahmin

 

Saalaxey:

Waa Saalaxey 

 

Samiira:

Haa Saalax waan fiican nahay wax daran miyaa jira waad I soo wacdayee

 

Saalaxey:

Maya maya in aan kula hadlo Ayaan rabay

 

Samiira:

Waan ku maqlayaa

 

Saalaxey:

Beri goormee kuu imaadaa si aan kuu soo kaxeeyo

 

Samiira:

Ma intaas oo kaliya ayaad rabtay in aad igala hadasho

 

Saalaxey:

Maya walaahi ee hadalka meel aan ka bilaabo Ayaan la’ahay dumaashiyey waxaan kaa baryaa in aad saxiibkey fursad siiso maxaa yeelay isaga nin xun maaha waa ku baryaa guriga ku soo laabo haddii ay taa dhici weydo waan u baqayaa saaxiibkay.

 

Samiira:

Saalaxow waan hubaa in saaxiibkaa dembiga uu galay uu cinqaabkiisa marayo laakiin mid Ayaan kugu lab qaboojinaa aniga beri guriga waan ku soo laabanaa in aan isaga dartii u soo laabanayo maaha balse waa hadalkii ay saaka Hooyo Maryan igu tiri Ayaan ku soo laabanaa si kastana maalin ayaa imaan doonto oo aan go’aan buuxa qaadan doono.

 

Saalaxey:

Inshah Allah maalintaas maalin abshireed illaahay ha ka dhigo 

 

Samiira:

Cida ay abshirta u tahay alla ayaa garan kara waanse sugeysaa ee beri 11:00 galabnimo imaaw maxaa kale oo aad I weydiin laheyd.

 

Saalaxey:

Waad mahadsan tahay Dumaashi intaa ayaa igu filan illaahay ha ku sharafo

 

Samiira markii ay telefoonka demisay ayaa hooyadeed u soo gashay oo ku tiri

 

Hooyo Farxiya:

Yaad la hadleysay

 

Samiira:

Waa wiilkii saaka baabuurka nagu keenay beri goormee diyaar noqon kartaa ayaa uu I leeyahay 

 

Hooyo Farxiya:

Hooyooy beri xilli hore ayaa baxeysaa waad ogtahay in ninkaaga uu xanuusan nahay

 

Samiira:

Maya Hooyo galabtii Ayaan baxayaa Qadarna aad ayaa uu u wanaagsan yahay

 

Markii sheeko guud ayaa la galay waxayna Hooyo Farxiya wax badan gabadheeda kaga faalootay nolosha qoyska iyo wanaageeda Allow Amuuraha Sahal Samiira waxa ay aheyd qof aan deganeyn wixii ay dhagaheeda maqleyna diidan.

 

Haddii Qadar uu murug la jiifo waxaa sidoo kale farxada aysan soo marin Mursal oo weli ku xeran qolkii uu ka deganaa Villadii hooyadii ee magaalada Dubay ee Isutaga Imaaraadka Carabta Mursal Hooyadii Milko waa ay joogtay wiilkeeda waa ay la kulantay haddana waxa ay aad ugu mashquulasaneyd badeecadii ay ka keentay Shiinaha oo meelo badan oo geyiga Soomaalida ah loo kala daabulaayey balse manta fursad u soo heshay maadaama ay Jimco aheyd waxayna ugu yeertay meeshii ay ku quraacaneysay waxayna ku tiri.

 

Hooyo Milko:

Haye Mursal ma fiican tahay kaalay soo fadhiiso oo ila quraco 

 

Mursal:

Maya Hooyo quraac ma doonayo

 

Hooyo Milko:

Ma quraacdaa rabin mise in aad aniga ila quraacato ayaadan rabin

 

Mursal:

Hooyo maxaad sidaa u leedahay ma adigaan ku dhibsan karaa xataa sow ma tihid hooyadii dunidaan I keentay

 

Hooyo Milko:

Dunidaan shidada badan dheh Mursal Maama aniga ayaa ku dhalay waana ku fahmayaa waxa ku heystana waa dhibaato haddana ma dooneysid in aad igala hadasho aniga waa mida I dhibeyso.

 

Mursal:

Hooyo dhib ima heysto haddana isku dhibin arrimaheyga waa ku baryaa dhibkeyga ha qaadan adiga.

 

Hooyo Milko:

Wixii shaqadaada kaa keenay oo aad curadkaaga kaga soo fogaaday sow dhib maaha

 

Mursal:

Hooyo waxaan halkaan u imid waa in aan adiga kula noolaado oo shaqadaan culus kula qaado

 

Hooyo Milko:

Hadalkaaga iyo ficilkaaga isma qaadan karaan maxaa yeelay waxaad I leedahay adiga Ayaan ku saacidayaa haddana inta aad qol isku xerta ayaad naftaada cinqaabeysaa bal ii sheeg waxa ku haaya waan ku dareemayaa ma gabadhii wiilkaaga habaryarta u aheyd miyaa.

 

Mursal:

Haa Hooyo nolosheyda qofaan iyada aheyn ma jeclaan

 

Hooyo Milko:

Side kuma fahmin

 

Mursal:

Hooyo Yaasmiin intaan guursan ka hor iyada Ayaan jeclaa balse iyada qof kale ayay jecleyd guurkii aniga iyo Yaasmiin sidiisaba waxa uu ahaa mid lagu qasbanaa maxaa yeelay walaalkeed ayaa taa nagu qasbay.

 

Hooyo Milko:

Taas hore ayaad igu sheegtay Falis hadda mala qabaa

 

Mursal:

Maya Hooyo mala qabo

 

Hooyo Milko:

Waayahee adiga dareenkaaga ma u sheegtay maxayse ku tiri

 

Mursal:

Waa ay igu diiday in aan iyada ku fikira xataa ayay qalad u aragtaa oo waxaan ka aheyn in walaasheed ninkii ay ka dhimatay .

 

Hooyo Milko:

Dhib malaha hooyo waan hubaa in Falis ay iska soo dabci doonto

 

Mursal:

Mala filaayo maxaa yeelay waa ay madax adag tahay

 

Hooyo Milko:

Adiga hadda maxaa kuu qorsheysan

 

Mursal:

Hooyo Ma ilaawi karo beryihii ay nin kale xillihiisa aheyd waxaan aaminsanaa in nafteyda ay qanacday laakiin manta oo aan u arko in ay igu banaan tahay nafta waan samirsiin la ahay. 

 

Hooyo Milko:

Aniga ayaaba ku leh ha ilaawin si rajadaada nolosha ay u si jirtana waxaan u baahan tahay in aad noolaato isku day in dhulka aad iska soo qaado oo nolosha waa dhaqaaq aad nafta inta aad is geliso jaceylkaaga dartii u noolow iyo wiilkaaga anigana hooyadaa Ayaan ahay waan ku garab taagan nahay xilli kasta. 

 

Hooyo Milko markii ay itnaa tiri ayay ka dhaqaajisay oo ay qolkeeda aaday Mursal oo goobta ku haray ayaa wax badan naftiisa la hadlay garna u arkay hadalka hooyadiis naftiisa u sheegay in ay qaadato taladaas wanaagsan.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com