Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa beeniyay in degmooyin ka mid ah deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle in lagala wareegay ururka Ahlu Sunna.

Wareysi uu siiyey Idaacadda BBC-da ayuu ku beeniyey in Ciidamada Dowladda ay Ahlusunna kala wareegeen degmooyinka Matabaan,Guriceel iyo qeybo ka mid ah degmada Dhuusamareeb, waxana uu ku tilmaamay in ciidamada shaqeynaya inay yihiin ciidamada dowladda & kuwa Ahlusunna oo la isku daray.

Sheekh Axmed Shaakir ayaa sidoo kale ka hadlay guddiyada farsamada doorashada Galmudug oo uu mid kamid ah isagu magacaabay.

“Labada guddi sidii loo mideyn lahaa ayaa haatan lagu jiraa wax dhibaata ahna kama taagna waxaan rajeynayaa in heshiis laga gaaro.”ayuu yiri Sheekh Axmed Shaakir.

Madaxa Galmudug ayaa hadalo qabow oo si miyir ku jirta uga hadla xaaladaha ka jira deegaano ka mid ah Galmudug.