Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Culimada Ahlusuna ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqay in wixii maanta ka dambeeya ay amniga gudaha ee magaalada la wareegeen Ciidamo gaar ah oo dowladda Federaalka diyaarisay.

Munaasabad si toos ah oo dowladda Federaalka loogu wareejiyay amniga Dhuusamareeb ayaa goor dhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in Ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha magaalada Dhuusamareeb bannaanka loo saarayo, halka amniga gudaha la wareegayaan Ciidamo gaar ah oo dowladda Federaalka diyaarisay.

“Ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha magaalada Dhuusamareeb, waxaa loo saari doonaa bannaanka magaalada, waxaana amniga gudaha magaalada la wareegaya Ciidamo gaar ah oo dowladda Federaalka diyaarisay”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa jiray muran ka dhashay mas’uuliyadda amniga magaalada, iyadoo dowladda Federaalka ay diyaarisay ciidamo loogu tala galay inay sugaan amniga magaalada, hase ahaatee markii diyaarado looga qaaday Muqdisho dib loo soo celiyay.