Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa gurigiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed iyadoo ay la socdeen wasiiro xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugaaska iyo Siyaasiyiinta ku booqatay gurigiisa ayaa waxaa ay ka wada hadleen dhibaatada ka jirta gobolka Hiiraan gaar ahaan dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Xildhibanao katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay Beladweyne ayaa waxa ay sidoo kale booqdeen halka dadka ugu badan daganyahiin ee ka barakacay fatahaada wabiga shabeele ee magaalada Baledweyne.