Sheekh C/qaadir Sheekh Abuukar Soomow oo ka mid ah Wadaadada Dariiqada Suufida ee reer Muqdisho ayaa ka soo horjeestay Muxaadaro lagu wado in maalinta berri oo Jimco ah inuu Muqdisho ku qabto Sheekh Maxamed Umul, gaar ahaan garoonka Eng. Yariisow.

Sheekh Soomow ayaa muuqaal uu soo duubay ayaa waxaa uu ku eedeeyay Sheekh Umul in fikirka uu aaminsan yahay ay u dhinteen dad badan oo reer Muqdisho ah, isla markaana horay Culimada Suufida u gaaleysiiyay.

“Umul ma waxa uu bedelay in Suufida ay gaallo yihiin, kama laaban fikirkiisa aaminsan yahay, musiibo ka weyn ka ma jirto qof caqiidada laga galay, ninka sidaas ku dhiira geliyay fikirka Umul qabriyaal ay khawaarijta ku leysay, kuwo badan ayaa agooman ah”ayuu yiri Sheekh Soomow.

Muuqaal laga sii daayay Telefishinka Qaranka ayaa lagu sheegay in Sheekh Umul uu maalinta berri oo jimco ah muxaadaro ka jeedinayo Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Eng. Yariisow.

Dhinaca kale Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga ayaa sheegtay in aan lagu soo wargelin Muxaadarada uu Sheekh Umul ku qabanayo Garoonka Eng. Yariisow, isla markaana aanay ku soo wargelin Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

“Cidii dooneysa inay howlo muhiim ah garoonka ku qabsato baraha bulshada ka hor waxaa habboon in nidaamka wada shaqeynta ay inooga baahan yihiin waa inay dariiqeeda soo maraan, si loogu fududeeyo”Sidaa waxaa tiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Facebook.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Sheekh Soomow:-

Asc in'aan ilaa lino #caqidadena #waa #waajib #diini #Ah

Publiée par Sh Somow sur Mercredi 20 novembre 2019