Waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug ka furmay shir wadatashi ah oo looga hadlayo Geeddi Socodka Dhismaha Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee Galmudug, iyadoo shirkan uu soo qaban qaabiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Galmudug.

Golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo ee hada jira ayaa ku eg Horaanta sanadka 2020, waxaana qorshuhu yahay ka hor in la dhiso Golihii degaanka degmada Gaalkcyo, si ay u suura gasho, Doorashada Mayarka iyo KuXigeenkiisa ee degmada Gaalkacyo Galmudug,
Shirka waxaa ka soo qeyb galay Maamulka degmada kan Gobolka mudug Odayaasha dhaqanka Beelaha daga Kunfurta Gaalkcyo Culimaa’udiinka Ganacsatada Magaalada, iyadoo la isku raacay in la dhiso Gole deegaan loo dhan yahay.
Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo ugu horeyn shirka daah furay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismaha golaha deegaan cusub oo ay yeelato Koofurta Gaalkacyo.
C/llaahi Xaaji oo ka Socoday Hey’adda CRD, isla markaana Fududeyn doonta Dhismaha Golaha degaanka ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in ay dhistaan Gole deegaan loo dhan yahay.
Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beelaha ee ka soo qeyb galay kulankan ayaa si diiran u soo dhoweeyey in la dhiso Gole Deegaan cusub.
Guddomiyaha Gobolka Mudug Cabdirahmaan Cali Diiriye ayaa boggaadiyay hannaanka lagu dhisayo Gole deegaan oo cusub.
Ugu dambeyn Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose Galmudug Warsame Faarax ayaa soo bandhigay Qorshaha dhismaha Golaha degaanka Degmada Gaalkacyo, isagoo tilmaamay in ka Wasaarad ahaan ay Gacan weyn ka geysan doonaan dhismahan golahan.