Wasaaradda Haweenka & Xuquuul insaanka ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ku soo gabagabeysay  aqoon kororsi la xiriira Dhowrista Xuquuqda Dadka laga tirada  badan yahay iyo muujinta  aragtida oo muddo laba maalmod ah ka socday magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle.

Tababarka oo loo qabtay 25 ruux oo ka socday Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxaana lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay Ilaalinta xuquuqda aadanaha asaasiga u ah nolosha , xorriyadda muujinta aragtida bulshada iyo dhowrista xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

Wasiir Dowlaha Haweenka & Xuquuqul insaanka Hirshabelle Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur oo ka hadashay xeritankii Aqoon is weydaarsiga ayaa sheegtay in mudnaan gaar ah saareyso Hirshabelle sidii dadka nugul ay u heli lahaayeen xuquuq dhameystiran.

“Waxaan rajeynayaa in aan dhaqan gelinno dhammaan qodobbada muhiimka ah ee dhowrista Xuquuqul insaanka Hirshabelle waxaan ka shaqeyn doonnaa in dadku ay helaan xuquuq dhameystiran oo dammaanad qaadeyso nolosha aadanaha” ayey tiri  Marwo Sacdiyo Maxamed Nur  Wasiir Dowlaha Haweenka & Xuquuqul Insaanka Hirshabelle.

Wasaaradda Xuquuqul  insaanka & haweenka Hirshabelle ayaa muddoyinki dambe qaar kamid ah degmooyinka Hirshabelle ku qabaneysay aqoon is wey-daarsiyo la xiriira Xuquuqul insaanka .