Shir looga hadlayay Horumarinta dhaqalaha iyo Cafiska Deemaha ee lagu leeyahay Soomaliya ayaa wajiigsa labaad ka furmay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda .

Shirkaasi oo ahaa wajiga labaad ee shirka horumarinta dhaqaalaha iyo cafiska deemaha lagu leeyahay Soomaaliya , shirkan oo wajigiisii koowaad ka dhacay bisha September magaalada Addis Abab ee Dalka itoobiya .
Shirkaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirka maaliyadda XFS, wasiirada dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ku matalaayay Gudoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banadir.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ku bogaadiyay Wasiiradda maamul goboleedyadda in ay la yimaadaan qorshe horumarin kara hanaanka dhaqaallaha Soomaaliya.