Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in laga mamnuucay hotelada magaalada Boosaaso shirarka iyo aroosyada iyadoo aysan ogeyn guddiga amniga ee gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay guddigaas ayaa lagu sheegay in aan Qatar dhinaca amniga ah awgeed loo soo saaray amarkan.

Guddiga ayaa qoraalkiisa  waxaa ku sheegay in laga bilaabo maanta Hoteelada ku yaal magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari aan lagu qaban karin shirar aan amar looga heysan Guddiga Nabadgelyada.

Lama oga sababta keentay amarkan hase yeeshee waxaa magaalada Boosaaso maalmahaan ku sugnaa Madaxweynaha puntland Siciid Deni.

Magaalada Boosaaso ayaa ah magaalo ganacsiga ku caan ah iyadoo ay ku taal deked weyn oo ay maraakiib ku soo  xerato,waxaana  hore ugaga dhacay magaalada dilal iyo qaraxyo.