Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Somali Partnership Forum ayaa maanta oo taariikhdu tahay 1-da October ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo socon doona labo maalin, shirkan ayaa ah wajiga labaad ee shirkii sanadkii hore ka dhacay magaalada Brussels.

Shirkan ayaa waxaa isugu imaanaya Madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, wakiilada Beesha Caalamka iyo dalalka deeqbixiyeyaasha ah, waxaana shirka inta uu socda looga hadlaya arrimaha amniga, dhaqaalaha, horumarka dowladda sameysay labadii sano, caqabadaha iyo arrimo kale oo doorashooyinka sanadka 2021 ay ka mid tahay.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirka furi doona, dhanka Beesha Caalamka ayaa waxaa khudbad ka jeedin doona Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubnaha kale ee beesha Caalamka.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkan ay ka qeyb illaa 50 dowladood.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah, sababo ku aadan shirka labada maalmood ka socda magaalada Muqdisho.