Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay Munaasabad balaaran oo lagu soo bandhigayay Adeegyo cusub oo ay Shirkadu u soo kordhisay Macaamiisheeda.

Maamulka Shirkadda ayaa munaasabada kusoo bandhigay adeegyo badan oo bulshada Soomaaliyeed usoo kordhisay shirkada, waxaana soo dhaweeyay adeegyada shirkada soo bandhigtay bulshadii munaasabada kasoo qeyb gashay.

Sidoo kale Maamulka Maamulka Shirkadda Somtel ayaa sheegay in Buslahada Soomaaliyeed ay aad ugu diirsan doonaan Adeegyadan cusub ee ay Shirkada soo kordhisay kuwaasi oo ka turjumaya Baahidooda Isgaarsiineed.