Xarunta Shirkadda korontada ee BECO waxaa lagu qabtey Munaasabad ay Shirkada iyo Shaqaalaheeda ugu qayb qaadanayaan Gurmadka Fataahada Webiyada gaar ahaan magaalada Beled weyne, waxaana Munaasbabadaas ka qayb galey Masuuliyiinta Shirkadda, Shaqaalaha iyo Guddi Gurmadka Fatahaadaha .

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadley Cabdiraxmaan Maxamed Caadle Madaxa XiriIrka Bulshada ee Shirkadda BECO Waxaana uu sheegey in Shirkadda iyo shaqaalaheeda ay mar waliba ka qayb qaadan jireen Wixii dhibaatooyin ah ee ka dhacay guud ahaan dalka isagoo sheegey in deeqdaan ay ugu talagaleen dadka dhibaatada ka soo gaartey fataahada Wabiga ee Beled weyne

Madaxa Fulinta iyo Farsamada ee Shirkada BECO Cali Maxamed Kaariye oo ka hadley munaasbadaas ayaa sheegey in Shirkadda ay guddiga Gurmadka Fatahaadaha ku wareejisey 40 kun oo doolar oo uu sheegey in ay gu tala galeen in la gaarsiyey dadka fatahaadaha waxyeeleeyeen ee magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo gudoomay deeqdaas ayaa u mahadceliyey dhamaan Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Shirkada BECO oo uu sheegey in deeqdaan ay na tusineyso sida shacabka isku caawinayaan marka ay bulshada dhibaato la kulmaan, waxaana leeyahay Shirkadda in maanta aad baxsateen Sadaqo qiimo badan ee Ilaah ha idiin ka aqbalo

Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadley Gudoomiye ku xigeen Rugta Ganacsiga Cabdiraxmaan Gaambe Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in mar kasta in ay waajib tahay in bulshada isku gargaaraaan taasoo uu sheegey in ay uga maarmi karno kaalmo shisheeye isagoo halkaa ka balan qaadey in ay gaarsiin doonaan dadka loogu talagaley.