Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya illaa sideed ruux lagu la’yahay wabiga Shabelle, kaddib markii saaka ay la rogmatay doon ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Sideeda ruux ee la la’yahay ayaa waxaa ku jirta La Taliyaha Arrimaha Haweenka ee Madaxweyne Waare Dahabo Xasan iyo Xoghayihii Duqa magaalada Beledweyne Sharma’arke, waxaana la sheegay in intuba nolol iyo geeri aan midna lagu heyn.

Wararka ayaa sheegaya in doonta ay saarnaayeen illaa labaatan ruux, iyadoo la soo badbaadiyay 10 ruux, waxaana dadka la badbaadiyay ku jira Duqa magaalada Beledweyne Safiyo Cali iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Dadka qaar ee la la’yahay ayaa la sheegay inay geedaha ay koreen, halka qaarna ay qaadeen daadadka ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu wado howsha baadigoobka dadka la’yahay, isla markaana aan weli la heyn war rasmi ah oo ku saabsan xaalada dadka la la’yahay, maadaama diyaarado dul heehaabayay goobaha fatahaada ay soo sheegeen inay arkeen dad geedaha dushiisa saarnaa oo loo maleynayo dadkii ay la rogmatay doonta.