Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa ka soo horjeestey Bayaan ka soo baxay Jaamacada Carabta oo  lagu cambaareeynayay dowlada Turkiga.

Kulan deg deg ahaa oo ay shalay Golaha Wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ku yeesheen Dalka Masar ayaa waxaa ay ku sheegeen faragelinta Syria mid qatar ku ah amniga dadka Carabta ah ee Syria.

Jaamacadda Carabta ayaa bayaan ay soo saartay waxaa ay ku cambaareeysey weerarka Ciidamada Turkiga ay ku galeen dalka Syria ee ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar ayaa diiday in ay qeyb ka noqdaan war-saxaafadeedka Cambaareynta ka dhanka ah Turkiga ee ay soo saareen Jaamacadda Carabta.

Axmed Abul Geyd oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in dagaalka Turkiga uu ku galay Syria uu yahay faragelin qaawan oo ka dhan ah dhul carbeed.

Ciidamada Turkiga ayaa gudaha u galay dalka  Siiriya iyagoo sheegay in ay qabsadeen magaalooyin ku dhow xadka ay wadaagaan labada  dal.

Weerarka ciidamada Turkiga ku galeen gudaha dalka Siiriya ayaa waxaa ku barakacay inkabadan boqol kun oo ruux.