Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkmenistan ayaa si rasmi ah u yeeshay Xiriir Diblomaasiyadeed, Waxaana Safaaradda Turkmenistan ee magaalada Ankara lagu qabtay Munaasabad heshiiska lagu kala saxiixday, oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka socday Labada dal.

Heshiiskan oo ay soo diyaariyeen Wasaaraddaha Arimaha Dibadda ee Dalalka Soomaaliya iyo Turkmenistan ayaa waxaa  labada dal u kala Saxiixay  Safiirka  Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid iyo Safiirka Turkmenistan ee dalka Turkiga Mudane Ishankuli Amanlyev.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa sheegay inuu Heshiiskan yahay mid taariikhi ah, islamarkaana labada dal ay ka faa’iidaysan doonaan, isagoo intaa ku daray inay ku howlan yihiin inay Heshiisyo cusub oo Soomaaliya  la Samaysato dalalka kale ee deriska la ah Turkiga.

Xiriirkan Diblomaasiyadeed ee ay yeesheen labadan dal ayaa ka dhigan in wixii hadda ka dambeeya ay wadaagaan Safiiro labada dal kala matala.

Soomaaliya oo ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii Burburka ayaa  Mudooyinkii dambe soo celinaysa  Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee Caalamka iyo doorkii wanaagsanaa ee ay ku lahayd Gobolka.