Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saaray gawaarida la dhigto hareeraha waddooyinka magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in wixii maanta oo taariikhdu tahay 18 bisha July sanadka 2019 laga mamnuucay gawaarida la dhigto hareeraha waddooyinka.

Sidoo kale waxaa la faray Muwaadiniinta ku nool magaalada Muqdisho inay ka feejignaadaan goobaha gawaarida ay dhiganayaan, waxaana Talisku tilmaamay in Hey’addaha Amniga ay la wareegi doonaan.

Taliska Booliska ayaa ugu baaqay muwaadiniinta inay la shaqeeyaan Hey’addaha Amniga, si ay shacabka uga badbaadiyaan dhibaatada uu cadawga u maleegayo, sida lagu yiri qoraalka Taliska Booliska.

Dhowr jeer oo hore gawaari la dhigay hareeraha waddooyinka ayaa loo adeegsaday qaraxyo iyo kuwa lagu xiray waxyaabaha qarxa oo sababay khasaarooyin kala duwan.