Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa war ka soo saaray weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen Garoonka iyo Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo ay xarun u tahay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo Ciidanka Mareykanka.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay jawaab culus ka bixiyeen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab.

Maj. Gen. William Gayler oo ah Agaasimaha Howlgalada ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerar jawaab ah iyo mid is difaacid ah ku qaadeen Al-Shabaab ayna ku dileen 10 dagaalame, kuna burburiyeen hal gaari.

Waxaa uu sheegay labo duqeyn oo cirka ah ay fuliyeen, si ay uga jawaabaan weerarkii shalay lagu soo qaaday Saldhigga Balli-doogle.

Muuqaal kooban oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay gaari kuwa xamuulka ah oo la rumeysan yahay inay waxyaabaha qarxa saarnaayene oo gantaal cirka kaga yimid ku dhacay, isla markaana qarxay.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerarkan Al-Shabaab soo qaaday ayaa lagu sheegay inay caddeyn u tahay halista kooxdan ee danaha Mareykanka, saaxibadiisa iyo gobolka, isla markaana aysan marna hakin doonin dagaalka lagula jiro argagixisada.

Al-Shabaab ayaa dhankooda war ay soo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerarkaas ku dileen in ka badan 100 Askari, halka Saraakiisha ciidamada Dowladda dhankooda ay sheegeen inay dileen dhamaan Xubnihii soo weeraray ee Al-Shabaab.