Taliska iidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray howlgal saaka Ciidamada sida gaarka u tababaran ee DANAB kula wareegeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka ahna ku-simaha Taliyaha Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay ciidanku ay si nabad ah kula weegeen degmada Awdheegle iyo deegaanna kale oo ku xeeran, ayna sii wadi doonaan howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisada.

“Ciidanka ayaa wada Miino saaris iyo howl gallo ay ku xaqiijinayaan
amniga”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa dhowaanahan la wareegayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Degmada Awdheegle ayaa magaalada Muqdisho dhanka Koofur galbeed kaga beegan illaa 70KM, waxaana degmadan oo ku caan ah beeraha ay noqotay mid dhowr jeer la isku bedelo gacan ku heynteeda, waxaana Al-Shabaab ay dib ula wareegeen degmadan sanado ka hor, markii ay isaga baxeen Ciidankii AMISOM iyo Ciidamada dowladda.