Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka S/gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa is badal ku sameeyay qaybo ka mid ah Taliyaasha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Qaybta 21 aad ee Ciidanka dalka ayaa loo Magacaabay Gaashaanle Sare Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi Qayre oo horay u ahaa taliyaha Danab ee Qaybta 21 aad.
Halka taliyihii Qeybta 21aad General Yuusuf Maxamed Kanti loo magacaabay taliyaha Ururka 38 aad ee taliska Guud.

Abaanduulaha Qaybta 21aad Ayaa isna Loo Magacaabey Dhamme Aadan Siyaad Cabdi.
Sidoo Kale Taliyaha Danab Qaybta 21aad ayaa Loo Magacaabey Dhamme Muqtaar Cabdi Aadan.

Isbedelkan lagu sameeyay taliska qeybta 21aad ayaa ku soo beegantay xilli dowlada federalka iyo ururka Ahlu Sunna ay heshiis ka gaareen cidda maamuleysa magaalada Dhuusamareeb ee ah xarunta maamul goboleedka Galmudug.