Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baarista ee Muqdisho si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay AL-maas Elman.

Baaritaanka dilka Almaas oo ka dhacay gudaha xerada Xalane ayuu Taliye Cabdi Xasan Maxamed sheegay in khubarro iyo saraakiil aqoon durugsan u leh baari doonaan.

Almaas ayaa shalay gelinkii dambe lagu dhex dilay Xarunta Xalane oo ah goob amaankeeda aad loo ilaaliyo kuna badan yihiin diblumaasiyiinta reer galbeedka sidoo kalena ah Taliska ugu weyn ee AMISOM.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan n Almaas ay ka soo baxday shir ay midowga Yurub ku qabteen Xerada Xalane waxaana ay dooneysay in ay dib ugu laabato Magaalada Nairobi oo ay deganeyd.