Taliyaha qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka General Cabdicasiis Cadullaahi Qooje ayaa sheegay in ay dhowaan ka bilaabayaan dagaalo ka dhan ah Al shabaab deegaano ka mid ah Galmudug.
General Qooje ayaa warkan ka sheegay kadib markii uu maanta la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

“Shacab badan oo ku nool deegaano kamid ah Galmudug ayaa nolol dhibaato ah ku nool iyadoo Al-Shabaab ay baneysteen dhiigga iyo xoolaha ummadda Soomaaliyeed,waxaan rajeyneynaa in aan ka saarno dhamaan deegaanada Galmudug Al-Shabaab,”ayuu yiri General Qooje.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka AMISOM qaybta Gobolka Hiiraan Major Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa isna sheegay in ay AMISOM mar kasta diyaar u tahay in ay garab istaagto Ciidanka Xoogga dalka ayna ka qayb qaadanayaan dagaalka.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo saraakiil ka tirsan qeybta 21aad iyo Maamulka Galmudug.

Dhinaca kale saraakiisha ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa kulamo la yeeshay Madaxa xukuumada Galmudug.