Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Booliska Jalalaqsi Muuse Salaad uu iska diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale.

Xil ka qaadista waxa ay ka danbeysay kadib markii ay Xiisado ka dhasheen is qab-qabsi maalmihii u danbeeyay u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Amisom, iyadoo lagu sigtay in labada Ciidan uu gacan ka hadal dhexmaro.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo ku baxay Xiisadan ayaa gaaray Jalalaqsi, isagoo xuuraansi dheer kadib qaatay go’aan ah in shaqada uu ka eryo Taliye Muuse Salaad.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu diiday in Ciidamada Jabuuti ay isgaarsiinta Hawada ka saaraan marka ay howlgalada Miina baarista ah sameynayaan.

Waxaa uu ku doodaya in Taliyaha Booliska Hirshabelle uu yahay shaqsiga markii hore soo magacaabay, isaga kaliyana uu awood sharciyadeed u leeyahay inuu xilka ka qaado, wixii ka soo harana ay yihiin kuwo hareermarsan sharciga.

Ugu dambeyn Warar saacadihii danbe la helay ayaa sheegaya in degmada Jalalaqsi ay ku wajahan yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle, si ay ugu baxaan xalinta xiisada ka taagan degmada