Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa caddeysay in aanay jirin xayiraad la saaray Hey’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance.

Qoraal ay soo dhigtay barta Facebook ay ku leedahay ayay sheegtay in kulan ay yeesheen Hey’addan, Booliska iyo Gobolka Banaadir lagu lafa gurayo sidii wada shaqeyn dhow loo yeelan lahaa, lana sii wado doono dadaalada lagu midenayo howlaha gurmadka degdega ah..

“Booliiska Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in aysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance. Hay’addan, Booliiska iyo Gobolka Banaadir waxay yeesheen kulan lagu lafa gurayo sidii wada shaqeyn dhaw loo yeelan lahaa, waana sii wadi doonnaa dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka”ayay tiri Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliye kuxigeenka ayaa sheegay inay uga mahad celinayaan Hey’adda Aamin Ambulance iyo cid walba oo gurmadka degdega ah ka shaqeyso, xilkasnimada iyo dadaalka ay muujiyeen sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u wajahno xaaladaha degdeg ah ee yimaada, lagana gudbo isbarbaryaaca baahsan. Ugu dambeyn waxaa bulshada Somaliyeed soo xasuusineynaa in ay hayadaha amniga kala xiriiri karaan numberka 991″ayay tiri Jen. Zakiya.

Madaxa Aamin Ambulance Dr. C/qaadir C/raxmaan Aadam ayaa sheegay in Booliska ay ku amreen in la joojiyo shaqada gaadiidka gurmadka degdega, isla markaana aanay tagi karin goobaha qaraxyada ka dhacaan.