Taliyihii Ciidamada booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilahi Fadal Iiman ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Hargeysa caawa sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ka tirsan Somaliland.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in taliyihii hore ee ciidamada Booliska Somaliland uu maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay balse caawa uu ku geeriyooday isbitaalka International ee magaalada Hargeysa.

Maamulka Somaliland ayaan weli wax faahfaahin ah ka bixin geerida taliye Fadal oo muddo dheer ahaa taliyaha ciidamada Booliska Somaliland.