Dowlada Talyaaniga ayaa dib u celisay lacag gaaraysa lix malyan oo dollar taasoo la doonayay in loogaga dhiso biyo xireen magaalada Beledweyne.

Wargeyska La Republica ee dalka Talyaaniga ayaa daabacay in markii muddo sannad ah ay ka warsugaysay dowlada Soomaaliya in ay soo gudbiso mashruuca nooca uu noqonayo ay dib ula laabatey lacagtaasi.

Laanta afka soomaliga ah ee VOA ayaa baahisay warka ku saabsan dib ula noqoshada lacagta iyo beeninta dowlada federalka.

Hase yeeshee Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshablle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirka Beeraha dowlada Federalka ayaa beeniyay in lacagahaas dib loola noqday.
Wasiirka Beeraha dowlada federalka Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dhammaan dukumintiyadii loogaga baahnaa dowlada federalka ay gudbiyeen.

“Ma jiro heshiis aan kala saxiixanay dowlada Talyaaniga balse waxaa uu ahaa mashruucan mid is-faham labada dhinac ay gaareen dowladana waa ay gudbisay dhammaan dukumintiyadii loogaga baahnaa.”ayuu yiri Wasiirka Beeraha dowlada federalka Siciid Xuseen Ciid.

Biyo Xireenka oo la hirgaliyo ayaa ka hortagi kari lahaa fataahado iyo masiibo ka dhacdo gobolkasi inkastoo la sheegay in dhismihiisu qaadan lahaa muddo laba sano.
Hase yeeshee fatahaad ka dhacday dhowaan magaalada Beledweyne ayaa geystey qasaare naf iyo maalba leh.