Madaxweynaha Dalka Kenya oo si rasmi ah u shaaciyay tirakoob dhowaan laga sameeyay dalka Kenya ayaa sheegay in guud ahaan tirada dadka dalka Kenya ay tahay 47, 564,296Milyan oo qof.

Tirakoobka ayaa waxaa marka la sii faahfahaiyay lagu sheegay in guud ahaan haweenka dalka Kenya ay gaarayaan 24, 1014,716 ah iyo  23, 548, 056, 24 taasoo ah in haweenka ay waxyar ka badan yihiin raga.

Tirada dadka Soomaalida ee tirakoobkan ka soo baxday ayaa lagu sheegay 2.5Milyan oo qof, inkasta oo Soomaalida aysan ku qanacsaneyn natiijadaas.

Magaalooyinka tirakoobka laga sameeyey gaar ahaan kuwa oo ay Soomaalida degan yihiin ayaa waxaa ay kala yihiin tirada dadka ku nool, Mandera 867, 457 qof, Garissa 841,353 qof iyo Wajeer 781,263 qof.

Tirada dadkii hore ee lagu ogaaday tirakoobkii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in dad gaaraya  9 malyan oo ruux ay ku korortay.