Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in la qabtay haweeney la dhalatay Hoggaamiyihii hore ee Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, kaddib howlgal laga fuliyay waqooyiga Suuriya.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Rasmiya Awad ayaa da’deeda lagu sheegay 65 sano jir, waxaa Isniintii shalay lagu qabtay howlgal ciidan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Azaz.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in qabashada haweeneydan uu faa’ido u noqon karo in la ogaado sirta gudaha ee Kooxda Daacish.

Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa si qarxiyay bishii la soo dhaafat, kaddib markii Ciidamada gaarka ee Mareykanka ay howlgal ku galeen guri uu degenaa oo ku yaalla waqooyiga Suuriya.

Wargeyska Newyork Times ayaa ku warramay in Baqdaad ay la dhalatay shan wiil iyo dhowr gabdhood, balse ma cada inay dhammaan nool yihiin iyo in kale.