Ururada iskaashatooyinka degmada Jowhar ayaa maanta u doortay guddoomiye cusub Cabdikariin Axmed Tifow kadib doorasho ka dhacday saaka xarunta ururada iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe ee Jowhar.

Doorashadan oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socday qeybaha kala duwan ee iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ururada iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe.

31 xubnood oo ka kala socday ururada iskaashatooyinka degmada ayaa 28 kamid ah waxa ay u codeeyeen Cabdikariin Axmed TIfow oo ah nin dhalinyaro ah,halka musharixii la tartamayay Cumar Cabdulaahi Xaaji uu ka helay 3 cod.

Cumar Cabdulaahi Xaaji oo loogaga guuleytey doorashada ayaa soo dhoweeyay guddoomiyaha cusub isagoo sheegay inuu ku qanacsan yahay lana shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.

Gababagadii doorashada ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha ururada iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe Cabdulaahi Macalin Xuseen Biis waxana uu ka warbixiyay heerarka ay soo mareen ururada iskaashatoyinka,waxana uu kula dardaarmay guddoomiyaha la doortay inuu raaco xeerarka iskaashatooyinka.

Degmada Jowhar ayaa waxaa ka dhisan illaa 31 ururo iskaashatoyin kuwaasoo badankood ah ururo iskaashatooyin beero.