Ururka ONLF ayaa markii u horeysay taariikhda Guddoomiye ku doortay doorasho ka dhacday gudaha Itoobiya, waxaana doorashadan aheyd mid aad isha loogu hayay.

Doorashada ka dhacday magaalada Godey ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa Guddoomiyaha Ururka ONLF lagu doortay C/raxmaan Maxamed Sheekh Maadeey, kaasoo helay codod dhan 340 cod, halka ninkii la tartamayay oo lagu magacaabo Axmed Yaasiin uu helay 251 cod.

Doorashadan ayaa aheyd mid sir ah oo sanduuq lagu ridayay warqadaha cod bixinta, waxaana uu ka dambeeyay markii Shirweyne isugu yimid dhammaan xubnaha Ururka ONLF.

Ururka ONLF ayaa horay heshiis la galay dowladda Itoobiya, iyadoo laga saaray liiska Argagixisada, sidoo kale Ururka wuxuu ku dhawaaqay inuu hubka dhigay.

Is bedelada ka dhacay dalka Itoobiya ayaa sabab u ahaa in Ururka ONLF uu qaato xal siyaasi ah, isla markaana uu joojiyo dagaaladii iyo jabhadeyntii uu ka waday Gobolka Ogaadeeniya.