Ururka Dowlada Islaamiga ah ee IS ayaa markii ugu horeysay ka hadlay geerida hoggaamiyahoodii hore Abu Bakar al-Baqdadi iyagoo guddoomiye cusubna u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.

Afhayeenka cusub ee IS Abu Hamza al-Qurayshi ayaa warkan shaaciyay maanta kadib markii uu fariin cod ah soo duubay.

Afhayeenka cusub ee IS ayaa sidoo kale xaqiijiyay in la diley afhayeenkii hore ee ururkaas Abu al-Hassan al-Muhajir.

Fariinta uu soo duubay Abu Hamza ayaa ugu baaqay dagaalamayaasha IS inay adeecaan hogaamiyaha cusub oo uu ku tilmaamay inuu ka soo jeedo reer Qureysh.

Abu Bakar Al-Baqdadi ayaa is qarxiyay kadib markii xilli habeenimo ah ay weerar ku qaadeen ciidamo si gaar ah u tababaran oo dalka Maraykanka Axadii aynu ka soo gudubnay waqooyiga dalka Siiriya.