Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, Wabarka Beesha Baadicade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wabar Maxamed ayaa sheegay in uu dulmi ka jiro saami qeybsiga awoodda Hirshabeelle oo madaxda ugu sareyso sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay wadaan colaadin beel gaar ah.

“Waxaa ka digayaa in dib loo celiyo dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo dhib badan laga soo maray, maanta waa nasiib darro in madaxdii la rabay in horumar ka shaqeeyaan in ay isku badaleen kala fogeenta iyo isku dirka Beelaha wada dhistay Hirshabeelle” ayuu yiri Wabar Maxamed.

Wabarka oo ka hadlay dhismaha Golaha Deegaanka ayaa sheegay in aysan suurtogal ahayn in xiligan la dhiso gole deegaan.

“Hadda suuragal ma ahan in loo dhiso Gole deegaan Degmooyinka ay Beesha Baadicade dagantahay, annagoo tirsaneyno caddaalad darro hadana yeeli meeno in dusha nagala saaro wax aanan raali ka heen, Wasiirka arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle Md Caadle ka yeeli meyno in uu horseed u noqdo dib u dhac iyo kala tag, waana Nasiib darro in maanta loo yeeriyo wax saameyn doono” ayuu yiri Wabar Maxamed.

Ugu dambeyn Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi ayaa baaq u diray duubabka dhaqanka Hirshabeelle in la isugu yimaado kulamo loogu tashanayo dib u sixidda dhismaha Hirshabeelle.